MAAHMAAHYADII 1

Dulucda Kitaabka 1 Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa’uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa’iil, 2 Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta, Oo loo garto erayada waxgarashada,…

MAAHMAAHYADII 2

Faa’iidada Xigmadda 1 Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid, 2 Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid; 3 Haddaad wax-kala-garashada ka…

MAAHMAAHYADII 3

Faa’iidada Kale Ee Xigmadda 1 Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin, Laakiin qalbigaagu amarradayda ha hayo, 2 Waayo, iyagu waxay kuu kordhin doonaan Maalmo badan iyo cimri dheer iyo nabad. 3 Naxariista…

MAAHMAAHYADII 4

Xigmaddu Waa Sarraysaa 1 Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan. 2 Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina. 3 Waayo, aniguba…

MAAHMAAHYADII 5

Digniin Ka Gees Ah Gogoldhaafka 1 Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig; 2 Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan. 3 Waayo, naagta qalaad…

MAAHMAAHYADII 6

Digniin Ku Saabsan Nacasnimada 1 Wiilkaygiiyow, haddaad deriskaaga dammiin u noqotid, Ama haddaad shisheeye gacanta dhaar ugu dhiibtid, 2 Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga, Oo waxaa lagugu qabtay erayada…

MAAHMAAHYADII 7

Digniin Ka Gees Ah Naagta Gogoldhaafta 1 Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso. 2 Amarradayda xaji aad noolaatide, Oo sharcigaygana sida ishaada inankeeda u dhawr. 3 Farahaaga ku…

MAAHMAAHYADII 8

Baaqii Xigmadda 1 Haddaba xigmaddu sow ma dhawaaqin? Waxgarashaduna codkeedii sow kor uma qaadin? 2 Waxay taagan tahay meelaha sarreeya Oo jidka agtiisa ah, meesha waddooyinku ku kulmaan. 3 Oo…

MAAHMAAHYADII 9

Casuumaddii Xigmadda Iyo Tii Nacasnimada 1 Xigmaddu gurigeeday dhisatay, Toddobadeedii tiirna way xaradhay. 2 Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii; Miiskeediina way diyaarisay. 3 Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa…

MAAHMAAHYADII 10

Maahmaahyadii Sulaymaan 1 Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis. 2 Qasnadaha sharnimadu faa’iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa…