SABUURRADII 11

Kanu waa sabuur Daa’uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

1 Anigu Rabbigaan isku halleeyaa,

Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan,

Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?

2 Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada,

Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga,

Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.

3 Haddii aasaaska la dumiyo,

Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?

4 Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah,

Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada,

Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.

5 Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah,

Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.

6 Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno,

Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.

7 Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay,

Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/11-92f141f56317936fe22fcf778a0e0fd6.mp3?version_id=827—