SABUURRADII 12

Kanu waa sabuur Daa’uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha oo waxaa lagu luuqeeyaa Shemiiniid.

1 Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa,

Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.

2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been,

Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.

3 Rabbigu wuxuu wada baabbi’in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan,

Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.

4 Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga,

Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?

5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa

Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood,

Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.

6 Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah,

Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray,

Oo toddoba jeer la safeeyey.

7 Rabbiyow, waad dhawri doontaa,

Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.

8 Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay,

Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/12-e287c5194d4913c457cac974bd5c8fe9.mp3?version_id=827—