SABUURRADII 26

Kanu waa sabuur Daa’uud tiriyey.

1 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda,

Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola’aan.

2 Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi,

Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.

3 Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda,

Oo waxaan ku socday runtaada.

4 Lama aan fadhiisan waxmatarayaal,

Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.

5 Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha,

Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.

6 Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla’aanta,

Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,

7 Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo,

Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

8 Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay,

Iyo meesha ammaantaadu joogto.

9 Naftayda ha la ururin dembilayaal,

Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,

10 Gacmahooda belaayadu ku jirto,

Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.

11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda,

Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.

12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman,

Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/26-e970d8019cf139916ea50701fd0207fe.mp3?version_id=827—