Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa’uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii ay reer Sif Saa’uul u yimaadeen oo ay ku yidhaahdeen, Daa’uud miyaanu dhuumasho noo dhex joogin? Waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
1 Ilaahow, magacaaga igu badbaadi,
Oo xooggaaga iigu garsoor.
2 Ilaahow, baryadayda maqal,
Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
3 Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay,
Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan,
Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)
4 Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga,
Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.
5 Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda,
Iyaga runtaada ku baabbi’i.
6 Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah,
Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.
7 Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan,
Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.
—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/54-75ea7a6d9d94740ade21142b59bbf158.mp3?version_id=827—