SABUURRADII 61

Kanu waa sabuur Daa’uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

1 Ilaahow, qayladayda maqal,

Oo baryadaydana dhegta u dhig.

2 Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya,

Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.

3 Waayo, waxaad ii ahayd magangal,

Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.

4 Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga,

Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)

5 Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay,

Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.

6 Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa,

Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.

7 Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa,

Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.

8 Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa,

Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/61-ad1cf92e92f8d130e9d519d9e262f446.mp3?version_id=827—