SABUURRADII 70

Kanu waa sabuur Daa’uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, si wax loogu xusuusto.

1 Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi,

Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.

2 Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan

Ha ceeboobeen oo ha wareereen,

Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana

Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.

3 Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu,

Ceebtooda dib ha ula noqdeen.

4 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen,

Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen,

Ilaah ha la weyneeyo.

5 Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay,

Ilaahow, ii soo dhaqso,

Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga.

Rabbiyow, ha iga raagin.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/70-5cf154bbd6b4915bd2705bdb4f1f61a2.mp3?version_id=827—