SABUURRADII 99

1 Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen,

Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo.

2 Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay,

Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.

3 Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado,

Isagu waa quduus.

4 Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid,

Caddaalad baad adkaysaa,

Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.

5 Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya,

Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda,

Isagu waa quduus.

6 Muuse iyo Haaruun waxay ka mid ahaayeen wadaaddadiisa,

Samuu’eelna wuxuu ka mid ahaa kuwa magiciisa u yeedha,

Iyagu waxay baryeen Rabbiga, oo isna wuu u jawaabay.

7 Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa,

Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.

8 Rabbiyow Ilaahayagiiyow, waad u jawaabtay,

Oo waxaad ahayd Ilaah iyaga cafiyey,

In kastoo aad falimahoodii ka aargoosatay.

9 Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya,

Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah,

Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/99-34309c88bc94657b963203e8ef2dc7ea.mp3?version_id=827—