SABUURRADII 101

Kanu waa sabuur Daa’uud tiriyey.

1 Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid,

Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.

2 Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya,

Bal goormaad ii iman doontaa?

Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman.

3 Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono,

Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda,

Oo innaba iguma dhegi doono.

4 Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa,

Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.

5 Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi’in doonaa,

Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono.

6 Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed,

Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona.

7 Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono,

Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono.

8 Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi’in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan,

Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi’iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/101-9b770e019e754f2c864b2a964b8d2658.mp3?version_id=827—