SABUURRADII 113

1 Rabbiga ammaana.

Rabbiga addoommadiisow, ammaana.

Rabbiga magiciisa ammaana.

2 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba

Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.

3 Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh

Magaca Rabbiga waa in la ammaano.

4 Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa,

Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.

5 Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah,

Oo kursigiisa ku leh xagga sare,

6 Oo hoos u eega

Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?

7 Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda,

Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,

8 Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro,

Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.

9 Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso,

Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh.

Rabbiga ammaana.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/113-2401c60c0ead93ddbca1f409b38e6968.mp3?version_id=827—