Gabayga meelokoridda.
1 Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa,
Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?
2 Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa
Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.
3 Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo,
Kan ku dhawraa ma gam’i doono.
4 Bal eeg, kan reer binu Israa’iil dhawraa
Ma gam’i doono, mana seexan doono.
5 Kan ku dhawraa waa Rabbiga,
Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
6 Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto.
Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
7 Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta,
Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.
8 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba
Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/121-72c369b55dd8efc73612f185b2657bb1.mp3?version_id=827—