SABUURRADII 122

Gabayga meelokoridda oo Daa’uud tiriyey.

1 Waan farxay markay igu yidhaahdeen,

Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.

2 Yeruusaalemay, cagahayagu

Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,

3 Yeruusaalem waxaa loo dhisay

Sida magaalo isku wada dheggan,

4 Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan

Inay Israa’iil u marag furaan,

Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.

5 Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay,

Waana carshiyadii reerka Daa’uud.

6 Yeruusaalem nabad ugu duceeya.

Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.

7 Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda,

Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.

8 Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood

Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.

9 Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis

Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/122-c22239c0856fc3b52371001b648cbb96.mp3?version_id=827—