SABUURRADII 126

Gabayga meelokoridda.

1 Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon,

Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.

2 Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol,

Carrabkeennana gabay,

Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi,

Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.

3 Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn,

Oo aynu ku faraxsan nahay.

4 Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi

Sida durdurrada koonfureed.

5 Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.

6 Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita,

Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/126-372dde2d86176f755b94e6f337f67dc5.mp3?version_id=827—