SABUURRADII 131

Gabayga meelokoridda oo Daa’uud tiriyey.

1 Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana,

Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn,

Ama waxyaalihii igu yaab badan.

2 Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey,

Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga,

Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.

3 Reer binu Israa’iilow, Rabbiga rajo ku qaba,

Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/131-db276a3494abed41b43b7a63b163084a.mp3?version_id=827—