GABAYGII SULAYMAAN 1

1 Kanu waa gabaygii gabayada ee Sulaymaan.

2 Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa;

Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.

3 Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay,

Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay,

Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.

4 I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye.

Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.

Annagu waannu kugu farxi doonnaa, oo waannu kugu rayrayn doonnaa,

Oo jacaylkaagana waxaannu u sii xusuusan doonnaa in khamri ka sii badan.

Si qumman ayay kuu jecel yihiin.

5 Gabdhaha reer Yeruusaalemow,

Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay

Sida teendhooyinkii reer Qedaar

Iyo sida daahyadii Sulaymaan.

6 Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis.

Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday,

Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah,

Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn.

7 Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg

Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid;

Waayo, bal maxaan u ahaanayaa

Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?

8 Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon,

Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa,

Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada.

9 Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalay

Faras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon.

10 Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan,

Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah.

11 Waxaannu kuu samaynaynaa silsilado dahab ah

Oo lacag laga taagay.

12 Inta boqorku miiskiisii fadhiyey,

Ayaa cadarkaygii naaradiinka ahaa caraftiisu soo baxday.

13 Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah

Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.

14 Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah

Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.

15 Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay,

Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale.

16 Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay,

Oo weliba sariirteennuna waa cagaar.

17 Alwaaxda gurigeennu waa qoryo kedar ah,

Oo saqafkeennuna waa qoryo beroosh ah.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/SNG/1-46bc4c475bafcf51ff2e2e2ba7c0cfc5.mp3?version_id=827—