SABUURRADII 95

1 Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee,

Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.

2 Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq,

Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.

3 Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn,

Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya.

4 Dhulka meelihiisa ugu mool dheeru gacantiisay ku jiraan,

Oo buuraha dheeraantoodana isagaa iska leh.

5 Baddana isagaa iska leh, oo isagaa sameeyey,

Oo dhulka engeganna isagaa gacmihiisa ku sameeyey.

6 Haddaba kaalaya aynu isaga caabudnee oo u sujuudnee,

Oo Rabbiga ina abuuray aan hortiisa ku jilba joogsanno,

7 Waayo, isagu waa Ilaaheen,

Oo innaguna waxaynu nahay dadkii daaqsintiisa, iyo idaha gacantiisa ku jira.

Bal maanta maad codkiisa maqashaan!

8 Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay,

Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal,

9 Markay awowayaashiin i jirrabeen,

Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen.

10 Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa,

Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama,

Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii,

11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay

Inaanay nasashadayda gelin.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/95-27a738d911055591b2ebfb615aee0d4b.mp3?version_id=827—