SABUURRADII 67

Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

1 Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee,

Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah)

2 In jidkaaga laga ogaado dhulka,

Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.

3 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,

Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.

4 Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed,

Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad,

Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah)

5 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,

Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.

6 Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii,

Waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa.

7 Ilaah waa ina barakayn doonaa,

Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/67-9804d3f4061c14b41cda59595c22edcd.mp3?version_id=827—