SABUURRADII 6

Kanu waa sabuur Daa’uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah, oo Shemiiniid lagu luuqeeyo.

1 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,

Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

2 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay,

Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.

3 Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay,

Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?

4 Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi,

Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.

5 Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto,

Bal yaase She’ool kaaga mahadnaqi doona?

6 Waxaan la daalay jibaadkayga,

Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa.

Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.

7 Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo,

Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.

8 Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow,

Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.

9 Rabbigu waa maqlay baryootankaygii,

Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.

10 Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan,

Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/6-b7b3991e4058c8b27fc7ecb7aeafc35f.mp3?version_id=827—