SABUURRADII 52

Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa’uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii Do’eeg oo reer Edom ahaa uu Saa’uul u yimid oo u sheegay oo ku yidhi, Daa’uud waa yimid Axiimeleg gurigiisa.

1 Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa?

Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.

2 Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn,

Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.

3 Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta,

Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda. (Selaah)

4 Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi’iya oo dhan,

Iyo carrab khiyaano miidhan ah.

5 Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba,

Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada,

Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)

6 Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan,

Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan,

7 Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu,

Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan,

Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.

8 Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal,

Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.

9 Weligayba waan kugu mahadnaqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay,

Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/52-2d44ea2c658fc492bfb138bc41fbb7ba.mp3?version_id=827—