SABUURRADII 48

Kanu waa gabay, waana sabuur ay reer Qorax tiriyeen.

1 Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa

Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.

2 Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan

Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah,

Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.

3 Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.

4 Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen,

Dhammaantood way wada dhaafeen.

5 Oo kolkay arkeen ayay yaabeen,

Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.

6 Iyagii halkaasay ku gariireen,

Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.

7 Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa

Dabaysha bari.

8 Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay

Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna,

Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)

9 Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay

Markaan macbudkaaga ku jirnay.

10 Ilaahow, sida magacaagu yahay

Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan,

Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.

11 Buur Siyoon ha faraxdo,

Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.

12 Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega,

Oo munaaradaheeda tiriya.

13 Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda,

Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer,

Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.

14 Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah,

Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/48-e0c2a322c08389c48b832bd718353f05.mp3?version_id=827—