SABUURRADII 42

Kitaabka Labaad

Sabuurrada 42-72

Kanu waa gabay Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.

1 Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo,

Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.

2 Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool.

Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?

3 Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii,

Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?

4 Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan,

Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah,

Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.

5 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?

Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?

Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.

6 Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay,

Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun,

Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar.

7 Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan,

Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.

8 Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa,

Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa,

Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.

9 Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday?

Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

10 Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan,

Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?

11 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?

Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?

Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa

Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/42-0196f77e23591fde4881118e414d605b.mp3?version_id=827—