SABUURRADII 3

Kanu waa sabuur Daa’uud tiriyey markuu wiilkiisa Absaaloom ka cararay.

1 Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa!

Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.

2 Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh,

Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)

3 Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan,

Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.

4 Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa,

Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)

5 Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday,

Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.

6 Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa,

Oo gees kasta iga hareereeyey.

7 Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow,

Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka,

Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.

8 Badbaado waxaa leh Rabbiga,

Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/3-f4262a48499ff385110198a90e735fd6.mp3?version_id=827—