SABUURRADII 24

Kanu waa sabuur Daa’uud tiriyey.

1 Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan,

Iyo dunida iyo kuwa degganba.

2 Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay,

Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.

3 Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa?

Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?

4 Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay,

Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin,

Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.

5 Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako,

Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.

6 Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona,

Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)

7 Irdahow, madaxiinna kor u qaada,

Oo albaabbada daa’imiska ahow, kor ha laydiin qaado,

Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.

8 Bal waa ayo Boqorka ammaantu?

Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan,

Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.

9 Irdahow, madaxiinna kor u qaada,

Oo albaabbada daa’imiska ahow, madaxiinna kor u qaada,

Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.

10 Bal waa ayo Boqorkan ammaantu?

Waa Rabbiga ciidammada,

Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/24-0bd3d8c08b710ebccfee078fb13445f8.mp3?version_id=827—