SABUURRADII 14

Kanu waa sabuur Daa’uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

1 Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro.

Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah,

Ma jiro mid wanaag sameeya.

2 Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga,

Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya,

Oo Ilaah doondoona.

3 Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen,

Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.

4 Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn?

Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan,

Mana ay baryaan Rabbiga.

5 Halkaasay aad ugu cabsadeen,

Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.

6 Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka,

Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.

7 Badbaadada reer binu Israa’iil bal may Siyoon ka timaado!

Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo,

Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa’iilna farxi doonaa.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/14-ceefc37a4401b6a9c7da8fb898b7ed1f.mp3?version_id=827—