YOONIS 2

Baryadii Yoonis

1 Markaasaa Yoonis Rabbigii Ilaahiisa ahaa baryay, isagoo ku dhex jira calooshii kalluunka.

2 Oo wuxuu yidhi,

Dhibaatadayda aawadeed ayaan Rabbiga ugu yeedhay,

Isna wuu ii jawaabay.

Waxaan ka dhex qayliyey She’ool uurkiisa,

Adna codkaygaad maqashay.

3 Waayo, waxaad igu dhex tuurtay moolka iyo badda uurkeeda.

Hareerahaygana waxaa ku wareegsanaa daad,

Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammuna way i dul mareen.

4 Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray;

Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa.

5 Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda,

Moolkiina wuu igu wareegsanaa;

Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed.

6 Waxaan hoos ugu dhaadhacay buuraha guntooda;

Oo weligay waxaa i awday dhulkii iyo gudbayaashiisiiba;

Laakiinse, Rabbiyow, Ilaahayow, noloshaydii waxaad ka soo bixisay yamayskii.

7 Markii naftaydu itaal darnaatay ayaan ku xusuustay, Rabbiyow;

Oo baryadaydii adigay kuu timid, oo waxay kuugu soo gashay macbudkaaga quduuskaa.

8 Kuwa waxyaalaha beenta ah oo aan micne lahayn ku fikiraa

Waxay ka tagaan naxariistoodii.

9 Aniguse codka mahadnaqidda ayaan allabari kuugu bixin doonaa;

Wixii aan nidrayna waan bixinayaa.

Badbaado waxaa leh Rabbiga.

10 Markaasuu Rabbigu kalluunkii amray, kalluunkiina wuxuu Yoonis ku mantagay berriga.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/JON/2-81fd49d235bad1f6629051c57952c6bd.mp3?version_id=827—