SABUURRADII 142

Kanu waa baryootan Maskiil ah ee Daa’uud tiriyey markuu godkii ku jiray.

1 Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa,

Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.

2 Oo hortiisaan ku cawdaa,

Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.

3 Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin,

Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.

4 Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag,

Waayo, nin i yaqaan ma jiro,

Meel aan magangalo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.

5 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday,

Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga,

Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.

6 Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey,

Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.

7 Naftayda xabsiga ka soo bixi, si aan magacaaga ugu mahadnaqo,

Kuwa xaqa ah ayaa igu hareeraysnaan doona,

Waayo, wax badan oo wanaagsan baad ii samayn doontaa.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/142-66cac851c0004a74a731fc1e1c203387.mp3?version_id=827—