SABUURRADII 141

Kanu waa sabuur Daa’uud tiriyey.

1 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso,

Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.

2 Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay,

Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo.

3 Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji,

Oo albaabka bushimahaygana dhawr.

4 Qalbigayga ha u duwin wax shar ah,

Yaanu falimo xumaan ah la gelin

Dadka xumaanta ka shaqeeya,

Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.

5 Kan xaqa ahu ha i dilo, raxmad bay ii ahaan doontaa,

Oo ha i canaanto, waxay ii noqon doontaa sida saliid madaxa lagu shubto,

Madaxayguna yaanu diidin,

Waayo, xataa intay sharkooda ku sii jiraan ayaan tukashadayda ka geesta ah sii wadaa.

6 Xaakinnadoodii waxaa lagu tuuray dhagaxa dhinacyadiisa,

Oo iyagu waxay maqli doonaan erayadayda, waayo, way macaan yihiin.

7 Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo

Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She’ool afkiisa.

8 Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan,

Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.

9 Iga dhawr dabinka ay ii dhigeen,

Iyo siriqda ay xumaanfalayaashu qooleen.

10 Kuwa sharka lahu ha ku dhex dheceen shabagyadooda

Markaan anigu ka baxsado.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/141-4a562c9f23d4479c0032fb1ee59ac577.mp3?version_id=827—