SABUURRADII 140

Kanu waa sabuur Daa’uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

1 Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi,

Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,

2 Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin,

Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.

3 Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale,

Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)

4 Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr,

Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,

Kuwaasoo u qasdiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.

5 Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko,

Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)

6 Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga,

Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.

7 Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow,

Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.

8 Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan,

Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah)

9 Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana

Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.

10 Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen,

Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka,

Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.

11 Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin,

Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.

12 Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono,

Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.

13 Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahadnaqi doonaan magacaaga,

Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/140-89c99ce88efa7d92281f5636962955e4.mp3?version_id=827—