SABUURRADII 138

Kanu waa sabuur Daa’uud tiriyey.

1 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa,

Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,

2 Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa,

Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood,

Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.

3 Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay,

Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.

4 Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,

Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.

5 Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga,

Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.

6 Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya,

Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.

7 In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa,

Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda,

Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.

8 Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan,

Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa,

Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/138-f8b10ff49fd07cf4e54ec9fa8bc21bfa.mp3?version_id=827—