SABUURRADII 137

1 Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon,

Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.

2 Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.

3 Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay,

Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen,

Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.

4 Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa

Dal qalaad dhexdiis?

5 Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo,

Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.

6 Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga,

Haddaanan ku xusuusan,

Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan

Farxaddayda ugu weyn.

7 Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom,

Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi,

Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.

8 Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi’in doonaa,

Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya

Sidii aad nagu samaysay.

9 Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada

Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/137-2ed0b9392be0172243d4f06ff372c77a.mp3?version_id=827—