Gabayga meelokoridda.
1 Bal eega, Rabbiga ammaana, Rabbiga addoommadiisa oo dhammow,
Kuwiinna goor habeennimo ah guriga Rabbiga dhex taaganow.
2 Gacmaha u taaga macbudka xaggiisa,
Oo Rabbiga ammaana.
3 Rabbigu Siyoon ha idinka soo barakeeyo,
Kaasoo ah kii sameeyey samada iyo dhulkaba.
—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/134-49266c4c1e427d4cc95c9607557b9ace.mp3?version_id=827—