SABUURRADII 130

Gabayga meelokoridda.

1 Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.

2 Sayidow, codkayga maqal,

Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon

Codka baryootankayga.

3 Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid,

Bal yaa istaagi doona, Sayidow?

4 Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid,

In adiga lagaa cabsado daraaddeed.

5 Waxaan sugaa Rabbiga,

Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.

6 Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa

In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa,

Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.

7 Reer binu Israa’iilow, Rabbiga rajo ku qaba,

Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis

Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.

8 Oo wuxuu reer binu Israa’iil ka soo furan doonaa

Dembiyadooda oo dhan.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/130-b192664a17cc49ae030c0d33f66cdc99.mp3?version_id=827—