SABUURRADII 127

Gabayga meelokoridda oo Sulaymaan tiriyey.

1 Haddaan Rabbigu guriga dhisin,

Kuwa dhisaya, waxtarla’aan bay u hawshoodaan,

Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin,

Waardiyuhu micnela’aan buu u soo jeedaa.

2 Faa’iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan,

Oo aad kibista dhibka cuntaan,

Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.

3 Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo.

Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.

4 Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis,

Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu.

5 Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga,

Iyagu ma ay ceeboobi doonaan

Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/127-0f22c954c0494ad0aca5ee4b12a13b81.mp3?version_id=827—