SABUURRADII 124

Gabayga meelokoridda oo Daa’uud tiriyey.

1 Haddaan Rabbigu inala jirin

Hadda reer binu Israa’iil ha yidhaahdeen,

2 Haddaan Rabbigu inala jirin,

Markii dadku inagu kacay,

3 Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen,

Markay aad inoogu cadhoodeen,

4 Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen,

Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,

5 Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.

6 Waxaa mahad leh Rabbiga

Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.

7 Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha,

Dabinkii wuu go’ay, innaguna waynu baxsannay.

8 Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga

Sameeyey samada iyo dhulkaba.

—https://d1b84921e69nmq.cloudfront.net/220/32k/PSA/124-80435fce6bb046ab4a46d8fdbeb205f2.mp3?version_id=827—